Madaxweynaha dalka oo ismaamulka Makueni ka daahfuray ololaha maanta lagu beeraya 100 milyan oo geedo ah

0
238

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ka daahfuray munaasabado geedo lagu beeraya dhammaan ismaamullada dalka, si loo haleelo bartilmaameedka qaran oo ah 100 milyan.
Waxaa uu sidoo kale dhammaan golihiisa wasiirrada u diray ismaamullada kale ee wadanka si ay halkaasi uga daahfuraan barnaamijkan.
Wasiirrada ayaa loo xil saaray in mid waliba uu ugu yaraan labo ismaamul ku hoggaamiyo barnaamijka dhir beeridda.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay inay maanta ka qayb qaatan ololahan
Sidoo kale, waxay maanta dowladdu u aqoonsatay maalin fasax qaran ah.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqday in laga faa’iidaysanaya roobabka dalka ka da’aya.
Waxaa dowlad deegaannada Garissa, Wajeer iyo Mandera barnaamijkan dhir beeridda hoggaaminaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in ugu dambeyn sanadka 2032-da la abuuro 15 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.