Madaxweynaha dalka ayaa xalay isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Madaxweynaha ayaa ballaariyay shaqooyinka xafiiska madaxa wasiirrada waxaana halkaasi la hoos geeyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurjaboogta oo uu hoggaamin doono Musalia Mudavadi.
Wasiirkii ganacsiga , Moses Kuria ayaa loo wareejiyay wasaaradda adeegga dadweynaha , waxqabadka iyo maareynta bixinta adeegyada.
Wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa laga dhigay wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta.
Madaxweynaha ayaa soo dhisay wasaarad cusub oo ka kooban arrimaha jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanta iyo hiddaha waxaana wasiir looga dhigay Aisha Jumwa.
Wasaaradda arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha waxaa sidii horeba hoggaaminaya Ababu Namwamba.
Xilkii uu hayay Moses Kuria ee wasiirka ganacsiga waxaa loo magacaabay Rebecca Miano waxaana beddeshay wasiiradii dalxiiska Peninah Malonza oo hadda hoggaaminaysa wasaaradda arrimaha bariga Afrika , horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
Alice Wahome ayaa la geeyay wasaaradda dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka waxaana xilkeedii wasiirka wasaaradda biyaha, waraabka iyo nadaafadda la wareegay Zachariah Njeru.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale dib u habeyn ku sameeyay xoghayeyaasha waaxyaha wasaaradaha dowladda dhexe.
Xogyahihii wasaaradda beeraha Harsama Kello ayaa loo wareejiyay waaxda deegaannada oomanaha ee ASALs iyo horumarinta gobollada.
Julius Korir waxaa loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee waaxda biyaha iyo nadaafadda.
Geoffrey Kaituko ayaa ah xoghayaha joogtada ah ee waaxda arrimaha badaha iyo xamuulka maraakiibta.
Shadrack Mwadime ( xoghayaha shaqaalaha iyo horumarinta xirfadaha)Paul Ronoh ( xoghayaha waaxda horumarinta dalagyada), Idris Salim Dokota ( xoghayaha arrimaha golaha wasiirrada), Anne Wang’ombe ( xoghayaha jinsiyadda iyo barnaamijyada awoodsiinta) halka xoghayihii waaxda jinsiyadda Veronica Mueni Nduva loo wareejiyay waaxda waxqabadka iyo maareynta bixinta adeegyada shacabka.




