Madaxweynaha dalka oo isbeddel ku sameeyay wasaaradda gashaandhiga

0
723

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa isbedeel muhiim ah ku sameeyay wasaaradda gaashaandhiga ee dalka isagoona dalacsiiyay gaashaanle dhexe Francis Ogolla.
Mr. Kenyatta ayaa u magacaabay Francis Ogolla taliye ku xigeenka ciidamada difaaca ee dalka.
Waxaa uu jagadan kala wareegay Franklin Mghalu oo howlgab noqday ka dib 40 sano oo uu ka tirsanaa ciidamada milateriga ee dalka.
Waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday taliyaha ciidamada badda ee Kenya.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa u magacaabay Brigadier John Omenda abaanduulaha ciidanka cirka ee dalka.