Madaxweynaha dalka oo hooygiisa ku booqday Uhuru Kenyatta

0
318

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Gatundu ee ismaamulka Kiambu ku booqday hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee waddanka Uhuru Kenyatta.
Labada mas’uul ay ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo heer qaran iyo mid gobol.
Waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay kobcinta midnimada qaranka, wax ka qabashada caqabadaha dhaqaale ee jira iyo horumarinta himilooyinka horumarineed ee dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa bogaadiyay sida ku dayashada mudan ee madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu xilka u wareejiyay intii laguda jiray doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii iyo sidoo kale sida ay uga go’an tahay horumarka qaranka.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in cudurkii COVID19 iyo dullaanka uu wali Ruushka kawada dalka dariska la ah ee Ukraine ay saameyn ku yeesheen kobaca dhaqaale ee waddanka.
Labada hoggaamiye ayaa qiray in Kenya ay horumar ka samaysay kobace dhaqaale ee dalka, sicir bararka oo hoos u dhacay iyo inuu awood yeeshay shilinka waddanka.
Hoggaamiyayaasha ayaa isku raacay baahida loo qabo in la dardargeliyo dadaallada lagu wanaajinayo dakhliga waddanka iyo abuurista fursado shaqo oo loo wada dhan yahay.
Waxaa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo waddaniyadda iyo wanaajinta wada shaqeynta guud ahaan dowladda, shacabka, kooxaha diimeed iyo qaybaha kale si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka waddanka.
Ruto iyo Uhuru ayaa iftiimiyay baahida loo qabo in la helo is afgarad siyaasadeed oo ballaaran si kor loogu qaado dowladnimo loo dhan yahay.
Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale looga hadlay doorka muhiimka ah ee Kenya ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.
Madaxweyne Ruto ayaa ku ammaanay Uhuru Kenyatta sida hagar la’aanta ah uu kaalin uga qaatay dadaallada nabad dhisidda, kuwaas oo si weyn gacan uga gaystay xallinta colaadaha gobolka.
Dhanka kale, waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo xalliyo arrimaha sharciga ee ku xeeran dastuurka, sida soo dhisidda guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Waxaa ay sidoo kale taageero u muujiyeen ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo uu tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.
Madaxweynaha dalka iyo Uhuru ayaa ku boorriyeen kenyaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay taageeraan musharraxnimada Raila ee kursiga AUC-da.