Madaxweynaha dalka oo hoggaanka baarlamaanka iyo aqalka sare kala hadlay tabashada mucaaradka

0
356

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi maanta kulan kula yeeshay hoggaanka baarlamaanka iyo aqalka sare ee dalka.
Waxaa uu madaxweynaha hoggaamiyayaasha labada aqal kala hadlay hannaanka loo wajahayo tabashada mucaaradka.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in madaxda uu la kulmay ku boorriyay in ay tixgeliyaan soo jeedintiisa oo ay si hufan u wajahaan arrintan.
Madaxweynaha ayaa xusay in ismariwaaga taagan lagu xallin doona baarlamaanka iyadoo loo wad adhan yahay.
William Ruto ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in tabashada mucaaradka ay ka qabaan shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee guddiga doorashooyinka ee IEBC lagu xalliyo qaab dastuuri ah oo loo maraya baarlamaanka.
Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga ayaa dalbanayay isbeddelo dhinaca doorashooyinka ah oo ay ka mid tahay in shaqooyinkoodii lagu soo celiyo afartii sarkaal ee IEBC ee si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyey.
Madaxweyne Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in haddii baarlamaanka uu arrintan u wajaho qaab loo dhan yahay in la xallin karo ismari waaga taagan.
Madaxda maanta kulanka madaxtooyada ka qayb galay ayaa kala ah hoggaamiyaasha aqlabiyadda baarlamaanka, aqalka sare ee kala ah kimani ichungwah iyo Aaron cheruiyot iyo ku xigeenadooda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay.