Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay shirka xildhibaannada UDA

0
229

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay kulanka xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare ee ka tirsan xisbiga UDA.
Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay qiimeynta waxyaabaha u qabsoomay xisbiga talada wadanka haya iyo in la dejiyo hadafyo cusub.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagu.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa qoraal ku sheegay in baarlamaanka uu muhiim yahay marka la eego dardargelinta qorshaha horumarineed ee maamulka madaxweyne William Ruto.
Gachagua ayaa xusay in si loogu guulaysto kobcinta dhaqaalaha ee meel hoose laga soo billaabaya, inay si joogto ah kulamo wadatashi ula yeeshaan xeer dejiyaasha.
Kulanka saaka ka qabsoomay State House ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka ku tilmaamay mid lagu xoojinaya fahamka arrimaha xeer dejinta iyo maamulka si looga dhabeeyo qorshaha horumarineed ee dowladda.
Shirkan ayaa ku soo aaday iyadoo aqalka sare uu maanta billaabay dhageysiga dacwaddii xilka looga qaaday barasaabka ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza.
Sidoo kale shirkan ayaa imaanaya iyadoo lagu wado in madaxweyne William Ruto uu Khamiista toddobaadkan ee 9-ka bishan uu khudbad qaran si wadajir ah ugu jeediyo xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare.