Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee xildhibaannada iyo senatarrada ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa shirka diiradda lagu saaray dhaqangelinta hindise sharciyeedyada uu mudnaanta koowaad siinaya isbeheysiga wadanka hoggaamiyo ee ku qeexan qorshihii uu la wadaagay shacabka.
Shirka waxaa ka qayb galay xildhibaannada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare oo ay hor kacayaan hoggaamiyaashooda.