Madaxweynaha dalka oo guddoomin doono shirka golaha isbeheysiga Azimio-One Kenya

0
630

Hoggaamiyaha dalka   Uhuru  Kenyatta ayaa la filayaa  inuu maanta shir guddoomiyo  kulanka  golaha isbeheysiga  Azimio La  Umoja -One Kenya.

Shirkan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu goluhu yeesho tan iyo markii la soo dhisay.

Xoghayaha dhanka warbaahinta ee  ololaha madaxtinimo ee Raila Odinga Dennis Onsarigo ayaa  bayaan ku sheegay in kulanka  uu ka dhici doono xarunta  shirarka  caalamiga ee  KICC  ee magaalada  Nairobi.

Shirka  oo uu sidoo kale ka qayb gelaya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa waxaa  isugu imaan doono  xubnaha  golaha  uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu qorshuhu yahay in  shirka  maanta  diiradda lagu saaro  qodobbo  siyaasadeed  oo  uu ismari waa’ ka  taagan yahay.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah in  kulanka looga hadlo xulashada  siyaasiga xilliga doorashada guud ee sanadkan ku xigeen u noqonaya  musharraxa madaxweyne ee  Azimio Raila Odinga.

Shirka ayaa ku soo beegmaya  toddobaad ka dib markii  isbeheysiga  Azimio-One Kenya  si rasmi ah loo diiwaangeliyay 14-kii bishan Afaraad.