Madaxweynaha dalka oo guddi u saaray baaritaannada Shakahola

0
343

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay dhacdo dhawaan 112 meydad ah looga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah garsoore Jessie Lesiit, garsoore Mary Muhanji Kasongo, Eric Gumbo, Bishop Catherine Mutua, Dr. Jonathan Lodompui, Dr. Frank Njenga, Wanyama Musiambu, Albert Musasia waxaana guddigan xoghayeyaal u ah Oliver Karori iyo Rachel Maina.
Waxaa hoggaamin doono qareenka lagu magacaabo Kioko Kilukumi oo ay caawinayaan Vivian Nyambeki iyo Bahati Mwamuye.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa shaaciyay in madaxweynaha uu sidoo kale guddi u saaray dib u eegista nidaamyada sharciyeed iyo kuwa maamulka ee lagu maareeyo hay’adaha diimeed.

Guddigan ayaa ka kooban 17 xubnood.
Wargeyska rasmiga ee dowladda waxaa maanta lagu soo daabacay in madaxweyne William Ruto uu Mutava Musyimi u magacaabay guddoomiyaha guddigan oo shaqeyn doono 6 bilood.
Waxaa guddiga xubno ka ah Bishop Mark Kariuki, Bishop (Dr.) Eli Rop, Archbishop Maurice Muhatia, Judy Thongori, Reverend (Dr.) Alphonse Kanga, Bishop Philip Kitoto , Dr. Faridun Cabdalla ,Prof. Musili Wambua, Joseph Khalende Wabwire, Mary Awuor Kitegi, Charles Kanjama, Leah Kasera, Nancy Murega iyo Wilson Wanyanga.
Xoghayeyaasha guddigan ayaa loo magacaabay Martin Ndiwa Talian iyo Maria Goretti Nyariki .
Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in waajibaadka xubnaha guddigan ay yihiin inay ogaadaan dulduleellada hay’adaha diimeed ee xagjirka lagu tilmaamo u fududeeyay inay ka howlgalaan gudaha Kenya sidoo kalena ay soo saaraan xeerar looga hor tagaya inay ka sii jiraan gudaha wadanka.
Sidoo kale waxay soo jeedin doonaan talooyin ku saabsan qaabka ay dowladda ula tacaali karto faafinta caqiidooyinka halista ah ee diin loogu soo gabbado.
Guddigan ayaa soo saari doono talooyin la xiriira sida shacabka looga wacyi gelin karo khatarrada noocani ah.
Xubnaha guddigan ayaa laga doonaya inay soo jeediyaan shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan hay’adaha diimeed ka hor inta aan la diiwaangelin.
Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa inay ka talo bixiyaan tallaabooyinka ay dowladda ka qaadi karto shakhsiyaadka iyo ururrada lagu eedeeyo ku lug lahaanshaha dhaqamada diimeed ee xagjirka ah.