Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi goobjoog ka ahaa heshiis isfahan oo ay wada saxiixdeen wasaaradda caafimaadka ee wadanka iyo shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo caafimaadka ka shaqeysa taas oo lagu magacaabo Gruppo San Donato ee loo soo gaabiyo (GSD) .
Shirkaddaan ayaa ka shaqeysa horumarinta caafimaadka maskaxda ee Kenya.
Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday wasiirka wasaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe iyo guddoomiyaha shirkaddan Mr Kamel Ghribi.
Kenya iyo shirkadda GSD ayaa iska kaashan doonaan cilmi baarista iyo waxqabadyada ku saabsan caafimaadka maskaxda ama dhimirka.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo goobjoog ka ahaa heshiis lagu gaaray aqalka madaxtooyada ee...