Madaxweynaha dalka oo ganacsatada ugu baaqay inay adeegsadaan tiknolojiyad

0
354

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ganacsatada wadanka ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan horumarka tiknolojiyadeed.
Waxaa uu u soo jeediyay inay xaqiijiyaan in isticmaalka nidaamyada casriga ay qayb ka tahay howlahooda maalinlaha ah.
Tani ayuu sheegay inay ka caawin karto inay kobciyaan ganacsiyadooda sidoo kalena ay dhallinyarada u abuuraan fursado shaqo.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dowladda dhexe ay ku dadaalayso inay kaashado shirkadda Google si dhammaan dugsiyada loogu xiriiriyo intarneetka.