Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku gacan seyray dalabaad ka yimid hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo ahaa in la furo hannaanka doorashooyinka ee guddiga IEBC.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in tani ay suurtagelin karto in la xaqiijiyo qaladaad ay sheegayaan inay dhaceen xilligii doorashadii guud ee sanadkii hore.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka ayaa xusay in arrinta ay dalbanayaan Raila iyo xulafadiisa aynan ahayn mid macquul ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kaydka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC dhowr mar oo hore la furay.