Madaxweynaha dalka oo gaaray Maraykanka

0
195

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaaray Maraykanka oo uu ugu ambabaxay safar rasmi oo saddex cishe ah.
Madaxtooyada dalka ee State House ayaa qoraal ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka uu galinkii dambe ee shalay ka degay gagida caalamiga ee Hartsfield Jackson International Airport ee magaalada Atlanta waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay duqa magaalada Atlanta Andre Dickens.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa shalay sheegay in madaxweyne William Ruto uu Maraykanka ku sugnaan doono ilaa 23-ka bishan Shanaad ee May.
Waxaa uu ku sugnaan doonaa maktabadda iyo matxafka Jimmy Carter ee magaalada Atlanta ee gobolka Georgia.
Ruto ayaa halkaasi ka jeedinaya khudbad ku saabsan maamulka , mabaadi’ida dimuqraadiyadeed , la dagaallanka musuqmaasuqa iyo in dimuqraaddiyadaha ay wada shaqeeyaan.
Intaasi ka dib waxaa uu booqan doonaa xarunta dhexe ee Maraykanka u qaabilsan xakameynta cudurrada ee (CDC).
Xuseen Maxamad ayaa sheegay in halkaasi looga wada hadli doono iskaashiga caafimaad ee labada dal gaar ahaan xarunta CDC iyo machadka sameeya cilmi baarista caafimaadka ee dalka ee KEMRI.
Waxaa madaxweyne William Ruto iyo marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto marti gelin doono qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool magaalada Atlanta.
Berri, waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka uu booqdo machadka Spelman College si uu diiradda u saaro muhiimadda tacliinta sare gaar ahaan sayniska iyo tiknolojiyadda iyo sida loogu soo jiidan karo maalgashatada.
Intaasi ka dib waxaa uu tagi doonaa istuudiyayaasha Tyler Perry Studios ee lagu soo saaro aflaanta si ay uga wada hadlaan sare u aadidda hal-abuurka dalka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale tagi doono xarunta shirkadda soo saarta cabitaannada ee Coca-Cola si uu u xoojiyo fursadaha maalgashiga.
Waxaa casho sharaf u sameyn doono duqa magaalada Atlanta ee Maraykanka Andre Dickens.
William Ruto ayaa Arbacada u sii gudbi doono magaalada Washington DC ee Maraykanka halkaasi oo loogu sameyn doono soo dhaweyn rasmi ah wuxuuna intaasi ka dib la kulmayaa wafdi matalaya kongareeska Maraykanka isagoo wada hadallo uga qayb geli doono Capital Hill.
Khamiista, madaxweyne William Ruto ayaa wada hadal la yeelan doono dhigiisa Maraykanka Joe Biden.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in Ruto iyo Biden ay ka wada hadli doonaan iskaashiga dhanka gaashaandhigga , dimuqaraadiyadda horta ah, maamulka iyo amniga rayidka , caafimaadka iyo arrimaha gobolka.
Xuseen Maxamad ayaa sheegay in safarka madaxweyne William Ruto ee Maraykanka uu yahay midkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee uu muddo 20 sano ah halkaasi ku tago madaxweyne Kenyaan ah iyo safarkii ugu horreeyay ee Maraykanka ee hoggaamiye Afrikaan ah tan iyo sanadkii 2018-kii.