Madaxweynaha dalka oo furi doono baarlamaanka 13-aad

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u furi doono baarlamaanka 13-aad ee wadanka.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday barta rasmiga ee Twitter-ka golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Dr. Ruto uu galinka dambe ee maanta si wadajir ah khudbad ugu jeediyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo dhigiisa Senate-ka Amason Kingi ayaa sheegay in khudbadda madaxweynaha ay tahay mid waafaqsan qaybta 1-aad ee farqada 132 ee dastuurka wadanka.
Xeerkan ayaa dhigaya in madaxweynaha laga doonayo inuu khudbad jeediyo marka uu furayo baarlamaan cusub.
Waxaa la filayaa in William Ruto uu khudbadiisa ku soo qaato waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu maamulkiisa mudnaanta koowaad siin doono maadaama ay ku ololeynayeen inay kobcinta dhaqaalaha ka soo billaabi doonaan meel hoose.
Baarlamaanka ayaa dib howlihiisa u billaabi doono 4-ta bisha Oktoobar si ay xubnaha uga doodaan khudbadda uu abaare 2:30 galabnimo ee maanta jeedin doono hoggaamiyaha wadanka.
8-dii bishan ayay ahayd markii la dhaariyay xubnaha baarlamaanka wadanka iyo aqalka sare iyadoo taasi ka dib guddoomiyaal iyo ku xigeenadooda la doortay.