Madaxweynaha dalka oo furay waddada Nairobi Expressway

0
517

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah u furay waddada wayn ee Nairobi Express Way iyo midda la ballaariyay Eastern Bypass.
Xalay ayay ahayd markii la xiray waddadan oo qaab tijaabo ah loo adeegsanayay tan iyo 14-kii bishii Shanaad ee sanadkan.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ku sheegtay in dheerarka waddadan uu yahay 27.8 kiilomitir oo howlaha dhismaha iyo ballaarinta ay ku baxday lacag dhan 12.5 bilyan oo shilin.
Waddada Nairobi Eastern Bypass ayaa isku xiraysa waddooyinka waawayn ee Mombasa Road ilaa Thika Super Highway gaar ahaan aagga loo yaqaano Kamakis iyadoo maraysa xaafadaha iyo magaalooyinka Embakasi, Utawala, Ruai iyo Ruiru .
Mashruucan ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhanka gaadiidka ee ay dowladda dhexe ku fududaynayso ciriiriga dhanka isku socoda baabuurta ee caasimadda dalka.