Madaxweynaha dalka oo fal argagxisnimo ku tilmaamay waxii ka dhacay ismaamulka Kilifi

0
312

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa baadiriga lagu magacaabo Paul Mackenzie oo ka tirsan Kaniisadda Good News International la barbar dhigay argagixiso u adeegsata diinta si khaldan.
Waxaa uuna madaxweyne Ruti sheegay inuu xagjireeyay kumanaan qof
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka oo dhacdaan ku tilmaamay mid la yaab leh ayaa sheegay in ay tahay mid aan la aqbali karin.
Madaxweyne Ruto ayaa walaac xoogan ka muujiyey kaymaha Kilifi ee Shakahola halkaas oo ilaa hadda laga soo saaray in ka badan 40 meyd ah iyadoo qaar kale oo badanna la rumeysan yahay in lagu aasay halkaas.
“Waa dambiile aad u xun oo iska dhigayaa wadaad diimeed ‘waxaa uuna la mid yahay argagixisada.
“argagixisada fikirkooda waa inay hormariyaan falalka foosha xun ayuu yiri madaxweyne Ruto’
Hadalkan ayuu Dr Ruto ka jeediyay xili uu maanta goob joog ka ahaa dhoolatus ay sameynayeen ciidamo dhameeyay tababar kuwaas oo ka tirsanaan doonaa ciidamada Asluubta Kenya.
Baaritaan buuxa ayaa lagu bilaabay Kaniisadda Good News International iyo markii ay booliisku galeen kaynta Shakahola oo ay heleen meydadkii ugu horreeyay todobaadkii hore.
Madaxa dowladda ayaa faray hay’adaha ku shaqada leh arrintan, in ay meesha ka saaraan waxyaabaha keenaya in dadka ay diinta u adeegsadaan inay dadka Kenyaanka ah ku qaldaan magaca diinta.
Si kastaba ahaate ilaa iyo hadda waxaa la’layahay 112 qof oo la rumeysan yahay inay ku aasan yihiin keymaha Shakahola.