Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray cid kasta oo qorsheynaysa inay ka qayb gasho dibadbaxyada ay mucaaradka sheegeen inay berri sameyn doonaan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xilli uu maanta khudbad ka jeedinayay xuska qaran ee maalinka shaqaalaha ee Labour Day oo sanad waliba loo dabbaal dego 1-da bisha Shanaad ee May sheegay in aanan marnaba la aqbali doonin in dano siyaasadeed awgood lagu burburiyo hantida shacabka.
William Ruto ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan fursadda la siiyay ee ah inay tabashooyinkooda u gudbiyaan xubnaha labada dhinac ee loo xil saaray wada hadallada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tixgelinaya dimuqraadiyadda iyo xuquuqda qof waliba balse uunan marnaba ka gaabin doonin waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran badbaadinta nolosha shacabka iyo ganacsiyadooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad doonaya in la sameeyo maamul qaybsi balse aynan marnaba taasi dhici doonin.
Digniinta madaxweynaha ayaa imaanaysa iyadoo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome uu sheegay in dibadbaxyada mucaaradka ay yihiin kuwo sharci darro ah sidaas awgeedna la mamnuucay.
Waxaa uu sii xoojiyey go’aankii shalay ka soo baxay taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei ee ahaa in aan gudaha caasimadda lagu qaban karin mudaaharaad maadaama isku soo baxyadii hore ee mucaaradka ay ahaayeen kuwo rabshadeysan oo lagu burburiyey hanti sidoo kalena lagu waxyeeleeyay shacab iyo saraakiil amni.
Koome ayaa wacad ku maray in cidii isku dayda inay khalkhal geliso xasiloonida dalka in ciidamada ammaanka ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.




