Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dib ugu soo laabtay wadanka ka dib safar qaatay ilaa afar cishe oo uu ku joogay Maraykanka.
Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee ismaamulka Nairobi ku soo dhaweeyay madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei, wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki, xoghayaha arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo, taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome iyo mas’uuliyiin kale.
William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka ku sheegay in ay arrin wanaagsan tahay inuu dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku maqnaa Maraykanka , waxay labada dowladood wada saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo la xiriira maalgashiga, kaabayaasha gaadiidka, waxbarashada , tiknolojiyadda iyo kuwo kale.
Tani ayaa qayb ka ahayd xoojinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Kenya iyo Maraykanka ka dhexeeyay 60-kii sano ee ugu dambeeyay.