Madaxweynaha dalka oo dhigiisa Rwanda ugu hambalyeeyay in markii 4-aad la doortay

0
255

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in isagoo matalaya shacabka iyo dowladda Kenya uu dhigiisa waddanka Rwanda Paul Kagame ugu hambalyeynaya guushii uu dhawaan ka soo hooyay loollanka madaxtinnimo.
Waxaa uu qoraal ku xusay inuu Kagame u rajeynaya inuu ku guulaysto ka shaqeynta horumarka ,nabadgalyada iyo xasilloonida dalkaasi.
Ruto ayaa sheegay inuu daneynaya in isaga iyo dhigiisa Rwanda ay ka sii wada shaqeeyaan arrimaha gobolka si gaar ah xoojinta midnimada iyo isdhexgalka shacabka labada waddan ee ay kala hoggaamiyaan.