Madaxweynaha dalka oo dhigiisa Faransiiska ugu hambalyeeyay in markii labaad la doortay

0
484

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa farriin hambalyo ah u diray dhigiisa wadanka Faransiiska Emmanuel Macron oo markii labaad loo doortay hoggaanka dalkaasi.
Macron ayaa tartanka kaga adkaaday Marie Le Pen ka dib markii uu helay in ka badan boqolkiiba 58 ee codadkii laga dhiibtay wareegii labaad ee maalinkii Axadda.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in guusha mar labaad u soo hooyatay Macron ay caddeyn u tahay kalsoonida ay dadweynaha Faransiiska ku qabaan hoggaamintiisa.
Waxaa uu madaxweynaha Faransiiska u xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay sii wado wada shaqeynta hoose ee ka dhexeysa labada dal si shacabka ay iskaashigan uga faa’iidaan.
Faransiiska ayaa ka mid ah saaxiibbada dhow ee Kenya ee dhanka horumarka waxayna labada waddan leeyihiin xiriir adag oo dhinacyada kaabayaasha dhaqaale , ganacsiga , wax soo saarka beeraha , caafimaadka .
Waaxyaha gaarka ah ee dalka Faransiiska ayaa maalgelinaya dhismaha marinka isku xira magaalooyinka Rironi -Mai Mahiu iyo Mau oo uu dheerarkiisu yahay 233 kiiloomitir.