Madaxweynaha dalka oo dhaliilay hannaanka iskaashiga ee caalamka

0
281

Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo ka socdo magaalada New York ee Maraykanka ayaa dhaliilay nidaamka iskaashiga ee dunida.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay in sanad ka hor uu golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay u sheegay in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo hannaanka qaramada midoobay si iskaashiga caalamka uu u noqdo mid u cuntamaya bulshooyinka kala duwan ee dunida.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in wada shaqeynta dunida ay hoos u dhigeen kalsooni darro, dayacaad , dembiyo aan la is kula xisaabtamin iyo mabaadi’i aan la wada ilaalin.
Waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in la joogo xilligii nidaamkan uu matali lahaa codka beeralayda iyo rajooyinka dadka ku nool tuulooyinka.
Ruto ayaa tilmaamay inay sidoo kale lagama maarmaan tahay in wada shaqeynta caalamka loogu ololeeyo himilooyinka xoolo dhaqatada oo uu difaaco xuquuqda kalluumeysatada.
Waxaa uu xusay in iskaashiga dunida uu noqdo mid muujiyo riyooyinka ganacsatada oo uu tixgeliyo rabitaanka shaqaalaha sidoo kalena uu ilaaliyo daryeelka dhammaan dadka ku nool caalamka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo dunida ay hadda wajahaysa xaalado adag in beesha caalamka ay aad uga dhib dhacday wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada , haleelidda yoolasha horumarka waara ee SDGs iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta qaaradda Afrika aynan u tagin New York inay caalamka waydiistaan hub, tabarucaad iyo wax siin balse inay muujiyaan sida ay u doonayaan in la is kaashado iyagana laga qayb geliyo ka shaqeynta horumarka caalamka.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay ku faanaysa doorka ay ka qaadanaysa arrimaha nabad galyada iyo ka hor tagga isku dhacyada ee gobolka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in guud ahaan Afrika ay jiraan horumarro dhanka nabadda ah in kastoo ay jiraan isbeddello aan sharci ahayn oo lagu wiiqaya awoodaha dowladaha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in Kenya ay ka go’an tahay inay ka soo baxdo doorkeeda ku aaddan midnimada , nabad galyada , xasiloonida iyo horumarka.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku baaqay in dadaal lagu bixiyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa xallinta dhibaatooyinka caalamka ka jiro , ka hor tagga amni darrada iyo xallinta khilaafaadka.
Waxaa uu sheegay in daafaha caalamka ay maanta ku nool yihiin boqolaal milyan oo qof oo hadda iyo mustaqbalkaba ka walacsan badqabkooda.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ku dhaliilay inuu ka gaabiyay in horumar micno leh laga sameeyo xallinta caqabadaha amni ee caalamka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in waddamo la daala dhacaya saameynta cimillada aynan ku tallaabsan karin horumar wax ku ool ah.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in maxkamaddan oo aan ahayn mid loo dhan yahay ay caqabad ku tahay inay isbeddel sameyso.
Sidoo kale waxaa uu garab istaag u muujiyay dowladda Haiti isagoo codsaday in beesha caalamka ay gacan ka gaysato xaqiijinta nabad galyada wadankaasi.
Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in la aasaaso sanduuqa maalgelinta ee arrimaha cimillada ee caalamka.
Waxaa uu madaxda ka qayb galaysa shirkaga golaha guud ee qaramada midoobay ku boorriyay in heshiis ku saabsan maalgelintan la gaaro ugu dambeyn sanadka 2025-ka.