Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhaliilay xildhibaannada golaha xeer dejinta ee ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee ka soo horjeeda mashruuca guriyaha lagu degi karo qiimo ay kenyaanka awoodaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xildhibaannada ay door ku leeyihiin shaqo la’aanta ka jirta wadanka.
Madaxweyne Willian Ruto ayaa hadalkan ka jeediyay shirka wada tashiga ah ee u dhexeeya wasiirrada dowladda dhexe iyo xeer dejiyaasha isbeheysiga Kenya Kwanza ee ka socda magaalada Naivasha.
Waxaa uu caddeeyay sida ay uga go’an tahay in maamulkiisa uu hirgeliyo mashruuca guriyeynta.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin istaraatiiji oo degdeg ah oo lagu xallinaya shaqo la’aanta ka jirta gudaha dalka.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in dabayaaqada sanadkan uu hiigsanaya in la abuuro 300,000 oo shaqo.
Waxaa uu ku boorriyay xildhibaannada baarlamaanka inay taageeraan qorshayaasha horumarineed ee dowladda dhexe.