Madaxweynaha dalka oo danjiraha Ingiriiska kala hadlay booqashada uu Kenya ku imaanaya boqorka UK

0
287

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta la kulmay danjiraha Ingiriiska ee Kenya Neil Wigan iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa uu madaxweynaha dalka danjira Ingiriiska kala hadlay booqashada uu toddobaadka dambe Kenya ku imaanaya boqorka Ingiriiska King Charles III.
King Charles III iyo boqorrada Ingiriiska Queen Camilla ayaa lagu wadaa inay wadanka soo gaaraan 31-da bishan.
Waxay dalka ku sugnaan doonaan ilaa 3-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in booqashadani ay tahay fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga ka dhexeya Kenya iyo UK ee dhinacyada kala duwan ee dana wadaagga ah.
Boqorka iyo boqorrada ayaa inta ay ku guda jiraan booqashadooda Kenya ayaa waxay soo indha indheyn doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Waxaa uu boqorka sidoo kale ka qayb gali doonaa munaasabad lagu xusayo noloshii iyo shaqadii ay qabatay Prof. Wangari Maathai, oo geeriyootay sanadkii 2011-kii
Wangari Maathai ayaa sanadkii 2004- tii noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee ku guuleysata abaalmarinta billadda nabadda ee Nobel Peace Prize.
Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu King Charles ku imaanaya Kenya tan iyo markii loo caleemo saaray boqorka Ingiriiska bishii Shanaad ee May ee sanadkan.