Madaxweynaha dalka William Ruto ayaaΒ si rasmi ah u soo bandhigay golaha ka tala bixin doono arrimaha shaqaaleysiinta ee caafimaadka.
Golahan ayaa ka shaqeyn doono xallinta arrimaha howlwadeennada caafimaadka.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in waajibaadka golahan ay ka mid tahay inuu dib u eegis ku sameeyo xeerarka ay ku shaqeeyaan saraakiisha caafimaadka sidoo kalena uu soo saaro hal-beegyada shaqo ee laga doonaya si looga dhigo kuwo wax soo saar leh oo ku faraxsan bixinta adeegyada.
Waxaa golahan guddoomiye looga dhigay Dr .Francis Wafula oo ka mid ah barayaasha jaamacadda Strathmore University waxaana xubno ka ah wakiillo matalaya dowladda dhexe, ismaamullada iyo machadyada tababarka .
Hoggaamiyaha dalka ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ka sheegay in daahfurka golahan ay timid ka dib wada tashiyo ballaaran oo ay sameeyeen dowladda sare iyo ismaamullada.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in wada tashiga u dhexeya dhinacyadan oo markii hore ahaa mid kooban uu hor istaagay in la howlgeliyo golahan taasoo saameysay bixinta adeegyada wax ku oolka ah ee caafimaadka.
Golahan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doono in ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maraya aqoon kororsiga dhanka shaqada la geeyo isbitaallada dowladda dhexe iyo kuwa ismaamullada, kala wareejinta saraakiisha caafimaadka ee ismaamullada dhexdooda iyo heerarka dowladda.
Sidoo kale golahan ayaa qaabilsanaan doono maareynta habka loo wareejiyo dhakhaatiirta leh takhasuska gaarka ah guud ahaan wadanka.
Golaha waxaa uu keydin doonaa diiwaanka dhammaan saraakiisha caafimaadka ee ka shaqeeya ismaamullada.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in golahan uu sidoo kale ka shaqeyn doono tababarka shaqaalaha ee ismaamullada.
Waxaa uu xubnaha golahan kula dardaarmay inay xalliyaan arrimaha taabanaya saraakiisha caafimaadka ee dalka.
ππππππ πππππππ ππ πππππ πππππππβ ππππππ
President @WilliamsRuto has challenged the Kenya Health Human Resource Advisory Council to resolve issues affecting health professionals in the country.
The President said the Council whose mandate is to⦠pic.twitter.com/0IGa3LEDpT
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 26, 2023