Madaxweynaha dalka oo cadeeyay shaqooyinka Mudavadi
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dib u habeyn ku sameeyay maamulkiisa isagoo cadeeyay waajibaadka shaqo ee madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi.
Ruto ayaa qoraalka ku sheegay in Mudavadi uu guddoomin doono sidoo kalena uu isku dubaridaya qorshaha qaran ee xeer dejinta ee dowladda.
Waxaa uu shaqadan qabanaya isagoo kaashanaya wasaaradaha iyo waaxyaha hoos tago ee dowladda iyo xubnaha Kenya Kwanza ee baarlamaanka ka tirsan.
Sidoo kale Mudavadi ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka caawin doono inuu kormeero waxqabadka wasaaradaha, dhaqangelinta siyaasadda qaran ee dowladda , barnaamijyada iyo mashaariicda.
Amarka madaxweyne ee ah midkii ugu horreeyay ee sanadkan ayaa waxaa ku cad in Musalia Mudavadi uu kormeer ku sameyn doono dabagalka iyo qiimeynta farsamo ee mashaariicda horumarineed.
Madaxa wasiirrada waxaa shaqooyinkiisa ka mid ah guddoominta guddiyada xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda sare.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa cadeeyay waajibaadka shaqo ee ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua waxaana ka mid ah guddoominta shirarka golaha wasiirrada, kormeeridda sida loo dhaqangeliyo go’aammada ka soo baxo shirarkan, iskudubaridka xiriirka ka dhexeya dowladda sare iyo ismaamullada , guddoominta shirka golaha iskudhafka ah ee miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee IBEC iyo inuu xiriir la sameeyo xafiisyada madaxa bannaan iyo guddiyada dastuuriga ah.
PRESIDENT RUTO CREATES CLIMATE CHANGE DEPARTMENT
President @WilliamsRuto has created a State Department for Environment and Climate Change to underline the government’s commitment to protecting Kenya from the adverse effects of global warming. https://t.co/TUh46TX5Oa
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 9, 2023
The Ministry of Health will have two State Departments-Medical Services and Professional Standards, each with a principal secretary.
Three state departments-Investments Promotion, Trade and Industry are in the
Ministry of Investments, Trade and Industry.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 9, 2023