Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay in DRC ay ku biirtay jaaliyadda bariga Afrika

0
643

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in tallaabada jamhuuriyada dimuqraadiga Congo ee DRC ay dhawaan ugu biirtay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ay tahay mid bogaadin mudan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay horseedaysa inuu kobco dhaqaalaha waddamada xubnaha ka ah EAC.
Mr. Kenyatta ayaa arrintan ka hadlay xilli uu maanta guddoomiyay munaasabad ay dowladda DRC ku saxiixday heshiis ay ku oggolaatay fursadda ay uga mid noqotay xubnaha jaaliyadda bariga Afrika.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah guddoomiyaha EAC ayaa waxaa kulanka maanta ku wehelinayay dhigiisa Uganda Yoweri Musveni, madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi oo hoggaamiya DRC.
Madaxda ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay xoojinta qaabka ay dowladahooda uga wada shaqeeyaan amniga gobolka.
EAC ayaa waxaa xubno ka ah toddobo dal sida Kenya, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed,Tanzania, DRC iyo Uganda.