Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa beddelay mowqifkiisii hore ee ku aadana xadidaadda dhirika ee dhismayaasha dhaadheer ee ka ag dhow saldhigga ciidamada hawada ee Moi Airforce Base, ee xaafadda Islii ee ismaamulka Nairobi.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweyne Ruto uu meesha ka saaray xadidaadda dhismooyinka laga dhisaya xaafadda Islii, taas oo markii hore ahayd in aan laga saro marin karin 12 dabaq.
“Waxaan ahay hoggaamiyaha ugu sarreeya Kenya, xaafadda Islii markii hore ma dhisan kartid dhisme ka dheer 12 dabaq, balse hadda waxaan caddeeynaya in aad dhisi kartaan ilaa 25 ama 30 dabaq”, ayuu yiri William Ruto bishii hore ee May.
Hasa ahaate, xilli uu maanta xaafadda Islii kaga qayb galay munaasabadda 60 sanadguurada ka soo wareegtay xilligii la aasaasay ciidamada hawada ee dalka ayuu sheegay in xeerarkii hore ee la dejiyay la raacayo ee xadidaya dhirirka dhismayaasha ka ag dhow salhigga ciidamada hawada dalka ee xaafadda Islii.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo beddelay mowqifkiisii hore ee ku aadana dhismooyinka dhaadheer ee...