Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu shaqaaleysiiyo 4,000 oo dhakhaatiir ah iyo ilaa 100,000 oo dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka ee loo yaqaano CHWs.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay ururrada shaqaalaha .
Kulanka oo ay sidoo kale ka qayb galeen mas’uuliyiinta ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa looga hadlay qorshaha caafimaad ee isbeheysiga Kenya Kwanza.
Xoghayaha guud ee ururka KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa sheegay inay hoggaamiyaha wadanka xusuusiyeen ballanqaadkii uu u sameeyay dadweynaha ee ahaa inay heli doonaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in dadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka bulshada in loo qaybiyo kooxo ka kooban 25 xubnood iyadoo koox waliba ay hoos tagaysa sarkaal caafimaad.
KMPDU ayaa madaxweynaha ka codsatay in si joogto ah loo howlgeliyo shaqaale kor u dhaafaya 8,550 oo qaab qandaraas ah loogu xil saaray ka dhabeynta barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Dr. Ruto ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu billaabi doono wada hadallo lagu soo dhisaya guddiga adeegga caafimaadka ee (HSC).
Ururka dhakhaatiirta dalka ayaa sheegay inuu arrinkan taageeraya maadaama uu aaminsan yahay in kenyaanka ay xaq u leeyihiin helidda adeegyo caafimaad oo ka hufan maamul xumo.