Madaxweynaha dalka oo baaq u diray laamaha ammaanka

0
652

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ciidamada ammaanka ku boorriyay inay sii wadaan qaabka iskaashiga dhinacyada badan ah ee ay ku sugaan xasiloonida wadanka.
Waxaa uu sheegay in nidaamkan uu ka hor tag u yahay falal dambiyeedyada sidoo kalena lagu badbaadinayo kenyaanka.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in arrintan ay si wayn u wanaajisay amniga dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in marka waaxyaha kala duwan ee amniga ay is kaashadaan la soo hooynaya natiijooyin wax ku ool ah.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu guddomiyay xaflad ay ku qalin jabinayeen 256 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee booliska maamulka ee AP-da taasoo ka dhacday xerada tababarka ee Kamanga ee ismaamulka Samburu.