Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha dowladaha qaaradda Afrika ku boorriyay in ay ka wada shaqeeyaan soo saaridda iyo dhaqangelinta nidaam lagu mideysan yahay oo la xiriira horumarka casriga ah.
Waxaa uu ku taliyay in loo baahan yahay in nidaamkan ay maareeyaan maamullada ICT-da oo isku xiran.
Waxaa uu xusay in tani ay dardargelinaysa hiigsiga qaaradda Afrika ee ku aaddan in ay door wayn ku lahaato ganacsiga caalamka gaar ahaan iyadoo la dhaqangelinaya heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika ee (AfCTA) .
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in la doonayo wada shaqeyn qaab casri ah loogu horumarinayo dhaqaalaha qaaradda Afrika.
Waxaa uu sheegay in waaxda ICT-da ay sii ballaaranaysa maadaama ay soo kordhayaan waxyaabo cusub oo dhanka tiknolojiyadda ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in ay daneynayaan in ay khibradooda la wadaagaan dalalka kale ee Afrika sidoo kalena ay wax ka kororsadaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sida lagu wada horumari karo ay tahay in la wadaago aqoonta iyo waaya aragnimada , in kheyraadka la isu geeyo , in la mideeyo istaraatiijiyooyinka, la wada shaqeeyo sidoo kalena la is waafajiyo maalgashiyada.
Madaxweyne William Ruto ayaa arrinkan maanta ka sheegay beerta Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu halkaasi si rasmi ah uga furay shirweynaha isku xirka Afrika.
Safiiradda Maraykanka ee dalkani Kenya Ambasadoor Meg Whitman ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada laga sameynaya Afrika waxayna sheegtay in qaaraddu ay qarnigan magac ku yeelan doonto dhanka tiknolojiyadda.
Waxay intaasi ku dartay in ay ku faraxsan tahay in waddamo badan oo ka tirsan Afrika ay si dhow ula shaqeynayaan shirkado laga leeyahay Maraykanka si loo horumariyo dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Danjiraha Midowga Yurub ku matasha Kenya Ambasadoor Henriette Geiger ayaa dhankeeda sheegtay in boqolkiiba 10 ee maalgelinta lagu taageero Afrika ay ku baxdo horumarinta dhaqaalaha casriga ah.
Waxay intaasi ku dartay in hal suuq oo casri ah oo ka dhexeeya dalalka qaaradda uu wax wayn ka beddeli karo nolosha shacabka.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa sheegay in la joogo xilligii ay waddamada qaaradda Afrika wada adeegsan lahaayeen tiknolojiyadda si baraare loo wada gaaro.