Madaxweynaha dalka oo baaq u diray deeq bixiyeyaasha caalamiga ah

0
393

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa deeq bixiyeyaasha heer caalami ah ugu baaqay inay dowladaha kala duwan ee dunida ay si siman ula macaamilaan .
Waxaa uu Ruto soo jeediyay in hay’adahan laga doonaya inay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda si taageerrada ay siinayaan dalalka ay u noqoto mid ku saleysan caqabadaha dhaqaale.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay in baahiyaha ka jiro caalamka uu isbeddel ku yimid tan iyo markii la soo aasaasay bangiga adduunka iyo sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF.
Madaxweyne Ruto ayaa arirntan ka sheegay kulan fogaal-arag ah oo uu ka qayb galay.