Madaxweynaha dalka oo amray in militariga ay ku biiraan howlaha samatabixinta ee Mai Mahiu

0
370

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saraakiisha waaxda difaaca ee qaranka ku amray in ay ku biiraan dadaallada lagu soo badbaadinaya shakhsiyaadka weli la la’yahay ka dib daadadkii saameeyay Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu xaqiijin doono in gargaar cunno la siiyo dhibbanayaasha.
Waxaa uu xusay inuu qiraya in Mai Mahiu ay saameyn wayn ka soo gaartay fatahaadaha in kastoo qaybo kale oo dalka ka mid ah ay dhibaatadan ka dhacday.
Ruto ayaa sheegay in uu ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua shalay halkaasi u diray si uu qiimeyn u soo sameeyo balse warbixintii lala wadaagay ay uga soo baxday inay qasab tahay inuu isaga goobtaasi tago marka la eego baaxadda burburka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in roobabka culus ee da’aya iyo daadadka ka dhashay ay gudaha wadanka ugu geeriyoodeen in ka badan 170 qof.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shirkii golaha wasiirrada dalka ee uu shalay guddoomiyay looga hadlay wax ka qabashada saameynta daadadka.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiirradu ay isku afgarteen in xaaladda Mai Mahiu ay leedahay walaac gaar ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in isbitaallada lagu daryeelaya 26 ruux oo u badan carruur iyo haween iyadoo aan weli meel lagu ogayn in ka badan 30 qof oo kale.
Madaxweyne William Ruto ayaa dadka deggan meelaha u dhow ilaha biyaha ku amray in ay si degdeg ah goobahaasi uga guuraan si looga hor tago musiibo dheeraad ah.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay kaashan doonto khuburro si loo go’aansado in dhibbanayaasha Mai Mahiu la siinaya dhul kale oo ay degaan ama in dib loogu dhisaya guriyaha ka burburay.