Madaxweynaha dalka oo amray in la xiro isbitaal kasta oo lagu helay khiyaannada caymiska SHA

0
418

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay xirtay 1,000 isbitaal.
Waxaa maamulka xarumahan caafimaadka lagu eedeyay in ay gudbiyeen sheegashooyin been abuur ah oo la xiriira caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA).
Waxaa socdaa baaritaan lagu ogaanayo shabakad musuqmaasuq ah, taas oo ay ku lug leeyihiin goobo caafimaad.
Isbitaalladan ayaa ku eedeysan in ay si been ah uga dhigeen booqashooyinka bukaan-socodka kuwo bukaan-jiif ah.
Warbixin gudaha ah oo ka timid Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegaysa in xaalado qaar lagu qoray bukaanno aan jirin in la dhigay isbitaallo horey u buuxay.
Waxay tani qayb ka tahay falalka khiyaannada ah oo la sheegay in dowladda looga lunsaday ilaa 100 milyan oo shilin.