Madaxweynaha dalka oo amar siiyay adeegga qaran ee booliiska

0
274

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome ku amray inuu xaqiijiyo in saraakiisha ammaanka ay helaan dareeska shaqo iyagoo aan wax qarash ah bixin.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS laga doonaya inuu ciidamada siiyo labiska ay ku howlgalaan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu shalay guddoomiyey munaasabad ay ku qalinjabinayeen 2,881 oo ah booliis tababar dhameystay.
William Ruto ayaa xusay inuunan rajeynayn dhaqankii hore ee ahaa in saraakiisha ammaanka laga dalbado inay lacago bixiyaan si ay u helaan dareeska ay xirtaan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki iyo abaanduulaha booliiska Mr. Japeht Koome amray inay iska kaashadaan sidii saraakiisha ammaanka ay u heli lahaayeen kheyraadka iyo tasiilaadka kale ee ay u baahan yihiin si ay qaranka ugu adeegaan.
Waxaa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la oofin doono ballanqaadkii ahaa wanaajinta xaaladaha shaqo ee booliiska.
William Ruto ayaa shaaciyay in ciidamada booliiska iyo kuwa asluubta ay heli doonaan caymis caafimaad oo ku filan.