Madaxweynaha dalka oo Afrika ugu baaqay inay ka digtoonaato afgembiyada militari

0
252

Madaxweynaha dalkani Kenya Dr.William Ruto ayaa hoggaamiyaasha qaaradda Afrika ku boorriyay inay qaaradda ka ilaaliyaan dib ugu laabashada xilliyadii afgembiyadii militari iyo maamulladii keligood taliska ahaa.
Waxaa uu Ruto madaxda kula taliyay inay dhageystaan codka shacabka oo ay u oofiyaan rabitaankooda iyo waxyaabaha ay ku haminayaan.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay in geeddisocodka dimuqraadiyadeed uu dadweynaha fursad u siinaya inay madaxdooda la xisaabtamaan.
Tani ayuu tilmaamay inay horseedaysa kobaca dimuqraadiyadda qaaradda Afrika oo ay sidoo kale abuuraysa jawi wanaagsan oo dhaqaalaha lagu horumariyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in shacabka loo oggolaado inay iyaga go’aamo qaataan.
Ruto ayaa intaasi ku daray in la doonaya in doorashooyinka ay noqdaan kuwo micno leh sidaasi awgeedna la joojiyo in si khaldan loo adeegsado doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.