Madaxweynaha dalka oo aan oofin ballanqaad uu u sameeyay haweenka

0
422

Golaha wasiirrada ee uu shalay magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxaa xubno ka ah toddobo haween ah.
Waxay kala yihiin Susan Nakumicha Wafula(wasiirka caafimaadka), Aisha Jumwa(Adeegga dadweynaha), Peninah Malonza(Dalxiiska),Florence Bore(Shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada),Alice Muthoni Wahome(Biyaha),Rebecca Miano(Bariga Afrika) iyo Roselinda Soipan Tuya(Deegaanka)
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka oo xilligaasi musharraxa madaxweyne ahaa uu ballanqaaday inuu boqolkiiba 50 ee golihiisa wasiirrada ka dhigi doono haween.
Haddii uu madaxweynaha dalka ka dhabeyn lahaa ballanqaadkiisi uu u sameeyay dumarka , tirada wasiirrada ee haweenka ayaa noqon lahayd 11.
Maadaama xubnaha uu magacaabay ay gaarayaan 22 , tirada haweenka ayaa u dhiganta boqolkiiba 32.