Madaxweynaha dalka oo 21-ka bishan safar ku tagi doono Maraykanka

0
244

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in 21-ka bishan May uu madaxweynaha wadanka William Ruto safar ku tago Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uu la hadli doono shakhsiyaadka ugu sarreeya ee aflaanta sameeya si loo xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya hal-abuurrada kenyaanka ah.
Madaxweynaha ayaa booqan doono xarunta shirkadda caanka ah ee soo saarta aflaanta ee Tyler Perry isagoo halkaasi kula kulmi doono milkiilaha.
Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta arrimaha waxbarashada si loo xoojiyo wada shaqeynta Kenya iyo Maraykanka ee dhanka sayniska , tiknolojiyadda , injineernimada iyo xisaabaadka.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweyne William Ruto uu sidoo kale heshiis la soo saxiixan doono shirkadda cabitaannada ee Cocacola.
Madaxweyne Ruto ayaa qurba joogta kenyaanka ah kula kulmi doono magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ka hor inta uunan khudbad u jeedin kongareeska Maraykanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha iyo dhigiisa Maraykanka Joe Biden ay ka wada hadli doonaan iskaashiga dhinaca gaashaandhigga.