Madaxweynaha dalka Maraykanka oo booqasho lama filaan ah ku tegay Ukraine

0
196

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Kyiv ee caasimadda wadanka Ukraine.
Waxaa ay tani noqoneysa safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago dalka Ukraine tan iyo markii Ruushka uu ku duulay wadankaasi 24-kii bishii Labaad ee sanadkii hore.
“Biden ku soo dhawow Kyiv, booqashadaada waa inoo muhiim waa astaan muujineysa taageerada aad u hayso dhammaan reer Ukraine” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhanka kale ku dhawaaqay 500 milyan oo doolar oo gargaar militari ah oo ay dowladdiisa siineysa Ukraine.