Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa ka wada hadlay dagaallada ka taagan wadanka Suudaan iyo sida lagu soo afjari karo.
Madaxweynaha dalka William Ruto iyo xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka , Antony Blinken ayaa isku afgartay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF oo socdo toddobaadkii saddexaad.
Ruto ayaa Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen in lagu heshiiyey xabbad joojin.
Waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in dowladda Kenya ay diiradda saari doonto dadaallada lagula tacaalaya dhibaatooyinka baniaadannimo ee ka dhashay dagaallada.
Ruto ayaa xusay in Kenya oo kaashanaysa hay’adaha qaramada midoobay iyo ururrada kale ay isku duba ridi doonto gargaarka baniaadannimo ee la gaarsiinaya shacabka Suudaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in xabbad joojinta ay fursad siinaysa in howlaha gargaarka loo fuliyo si habsami leh.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale dhawaan wada hadallo la yeeshay hay’adaha qaramada midoobay iyo maamullada kale sic unto, biyo iyo daawooyin loogu qaybiyo dadweynaha ku dhibaateysan wadanka Suudaan.
William Ruto ayaa sidoo kale kulan la qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Cabdallah Hamdok.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxda rayidka iyo bulshawaynta Suudaan si colaadda taagan xal loogu helo isagoo intaasi ku daray in dowladii ku meel gaarka ahayd ee dalkaasi looga gol-lahaa in loo gudbo maamul dimuqraadi ah.




