Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isaga iyo xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ay yeesheen wada hadal dhanka taleefoonka ah.
Waxay isla eegeen xiriirka labo geesoodka ah ee dowladahan ka dhexeeya.
Ruto iyo Rubio ayaa xaqiijiyay sida ay Kenya iyo Maraykanka uga wada go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay wadaagaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Maraykanka uu si gaar ah xannibaadda dhaqaale uga wareejiyay howlgalka amni ee dalka Haiti ee (MSSM).
Waxaa uu Ruto intaasi ku daray in Maraykanka uu fahansan yahay muhiimadda ay leedahay sii wadidda howlgalka iyo doorka uu ku leeyahay xasilinta iyo dib u soo celinta nidaamkii kala dambeynta ee Haiti.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ay ka wada hadleen nabadgalyada gobolka iyo si guud amniga qaaradda Afrika.
Waxay si gaar ah u soo hadal qaadeen xaaladda amni darro ee ka taagan jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee (DRC).
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in berri oo Sabti ah magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania uu ka qabsoomo kulan ay si wadajir ah u yeelanayaan xubnaha jaaliyadda horumarinta dalalka dhaca Koonfurta Afrika ee (SADC) iyo jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC).
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa xaqiijiyay in aan xannibaad dhaqaale la saari doonin howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee ay hoggaaminayaan ciidamada Kenya.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Haiti ee Port-au-Prince ay gaareen 144 sarkaal oo booliis dheeraad ah oo ay Kenya halkaasi u dirtay si ay ugu biiraan ugu yaraan 600 oo dalkaasi ku sugan.
La-taliyaha amniga qaran ee madaxweyne Ruto, Ambasadoor Monica Juma ayaa horay u sheegtay in Maraykanka uunan dhaqaale ahaan xannibi doonin howlgalka amni ee Haiti.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la hakiyay qorshihii hore ee ahaa in meesha laga saaro 15 milyan oo doollar oo uu Maraykanka ugu deeqayay sanduuqa nabad sugidda ee qaramada midoobay.