Madaxweynaha dalka iyo wakiilka Maraykanka ee geeska Afrika oo wada hadlay

0
283

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay oo ay wada hadal yeesheen Ambasadoor Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika.
Waxaa uu ergeyga xaqiijiyay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadeed iyo amni ee ka socdo dalalka Itoobiya iyo Congo.
Dowladda Kenya ayuu dhanka kale uga mahadceliyay doorka muhiimka ee ay ka qaadanaysa xasilinta gobolka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa Ambasadoor Mike Hammer u xaqiijiyay in Kenya ay diyaar u tahay inay sii wado dadaallada nabadeed ee ay ku howlan tahay.