Guddiga wada hadallada qaran ee NADCO ayaa si rasmi ah warbixintii uu soo saaray u gudbiyay madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Guddiga NADCO oo ka koobna 10 xubnood ay kala hoggaaminayeen madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa gelinkii dambe ee shalay warxbixintooda ku wareejiyay madaxweyne William Ruto iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Arrintan ayaa ku soo aaday maalin ka dib markii guddiga wada hadallada ee NADCO, golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ay isla garteen in muddo 45 cisho gudahood ah loogu soo gudbiyo warbixinta labada aqal si ay uga doodaan una ansixiyaan.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka iyo Raila Odinga oo guddoomay warbixinta guddiga wada hadallada qaran...