Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha wadanka Singapore, Lee Hsien Loong.
Mas’uuliyiintan oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay kulankooda diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga ka dhexeya labada dowladood si gaar ah arrimaha ganacsiga iyo fududeynta maalgashiga dalalkan.
Ra’iisul Wasaaraha Singapore ayaa shalay dalka ku yimid safar rasmi oo qaadanaya labo cishe.
Kenya iyo Singapore ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi soo jiray sanado badan oo ah dhanka dibloomaasiyadda , ganacsiga, waxbarashada, maalgashiga iyo tiknolojiyadda.
Kenya-Singapore Press briefing, State House, Nairobi. https://t.co/BYxxhpCS6Q
— State House Kenya (@StateHouseKenya) May 18, 2023