Madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa oo maanta gaaraya Nakuru

0
210

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan ismaamulka Nakuru.
Waxay halkaasi ku qabanayaan munaasabad duco ah oo la filaya inay ka soo qayb galaan ugu yaraan 20,000 oo qof.
Munaasabadda oo ka dhici doonto xarunta Nakuru Athletics Club ayaa waxaa marti gelinaysa barasaabka dowlad deegaankaasi Susan Kihika iyo guddoomiyaasha ismaamullada kale ee gobolka Rift Valley.
Kihika ayaa sheegtay in barnaamijkan loo diyaar garoobayay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ujeeddada laga leeyahay munaasabadda maanta ay tahay xoojinta midnimada dalka.