Madaxweynaha dalka iyo dhigiisa Maraykanka oo wada hadlay

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in isaga iyo dhigiisa Maraykanka Joe Biden ay yeesheen wada hadal dhanka qadka taleefoonka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay wada hadalkooda diiradda ku saareen mabaadi’ida dimuqraadiyadeed ee ka dhexeysa labada dowladood iyo in nidaamka maamulka lagu xoojin karo fursadaha dhaqaale.
Madaxweyne Joe Biden ayaa dhigiisa Kenya iyo dowladda dalka ku bogaadiyay inay oggoladeen hoggaaminta howlgal nabad sugid ah oo laga hirgelinaya wadanka Haiti.
Waxaa uu muujiyay in Maraykanka uu taageeri doono howlgalkan.
Biden ayaa sidoo kale Kenya ku bogaadiyey marti gelintii shirkii isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika ee horraantii bishii Sagalaad ee sanadkan lagu qabtay magaalada Nairobi.
Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa xusay in la dardargelinaya dhameystirka heshiis iskaashi oo istaraatiiji ah kaaso ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga looguna magacdaray (STIP).
Is-afgaradkan ayaa la doonaya in sare loogu sii qaado ganacsiga , wax soo saarka iyo shaqo abuurka ka dhexeya labada waddan.
Waxaa uu intaasi ku daray in si gaar ah loo daneynaya wada shaqeynta dhinaca kaabayaasha ah , tamarta la cusbooneysiin karo ,wax soo saarka ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah iyo awoodsiinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe .
William Ruto ayaa tani ku tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhaqaajiyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in madaxda Kenya iyo Maraykanka ay sii wadi doonaan inay ka wada hadlaan amniga gobolka , xallinta khilaafaadka iyo la dagaallanka argagixisada ee guud ahaan geeska Afrika si diiradda loo saaro horumarinta dhaqaale iyo arrimaha bulshada.
William Ruto iyo Joe Biden ayaa dhanka kale si wadajir ah u soo dhaweeyay tallaabadii uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay Isniintii ku ansixiyay howlgalka nabad sugidda ee dalka Haiti.