Madaxweynaha dalka Finland oo booqasho ku yimid Kenya

0
423

Madaxweynaha waddanka Finland Alexander Stubb iyo xaaskiisa, Suzanne Innes-Stubb ayaa booqasho laba maalmood ah ku yimid Kenya ee fiidnimadii xaley.
Waxaa garoonka diyaardaha caalamiga ah ee JKIA ku soo dhaweeyay madaxweynae ku xigeenka dalka Kithure Kindiki.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dabaaldega 60-sano ee ka soo wareegtay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Finland iyo Kenya.
Madaxweyne William Ruto ayaa saaka oo isniin ah aqalka madaxtooyada ku martigelin doona madaxweyne Stubb.
Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Finland iyo Kenya, caqabadaha caalamiga ah iyo saameynta ay ku leeyihiin Afrika iyo Yurub, iyo iskaashiga taageerada nidaamka dhinacyada badan leh.lloonida bulshada.