Madaxweynaha dalka Ecuador oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

0
269

Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Ecuador, Guillermo Lasso ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Amarkan ayaa ka dhaqan galaya guud ahaan wadankaasi.
Xaaladda degdegga ah ayaa jiri doonto muddo 60 cishe ah.
Tallaabadan ayaa looga falcelinaya dil toogasho ah oo Fernando Villavicencio oo u tartamayay xilka madaxtinnimo loogu gaystay caasimadda dalkaasi ee Quito ka dib markii uu qabtay isku soo bax siyaasadeed.