Madaxweynaha Belarus oo sheegay in hoggaamiyaha Wagner uu ku soo noqday Ruushka

0
255

Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko ayaa sheegay in hoggaamiyaha ciidamada gaarka ah ee sida militariga u tababaran ee Ruushka oo loo yaqaano Wagner, Yevgeny Prigozhin uu dib ugu soo laabtay dalkiisa.
Lukashenko ayaa 27-kii bishii hore ee June sheegay in Prigozhin uu gaaray wadanka Belarus ka dib heshiis ay wada gaareen oo lagu soo afjaray amar diidadii ay ciidamada uu ninkan hoggaamiyo ka billaabeen gudaha Ruushka.
Waxaa uu warfidiyeennada u sheegay in madaxa kooxda Wagner uu hadda ku sugan yahay magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.
Dhanka kale afhayeenka dowladda Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in xukuumadda Moscow aynan wax dabagal ah ku hayn Yevgeny Prigozhin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ilaa iyo hadda aan la cayimin taariikhda rasmiga ah ee ay kulmayaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Belarus Alexander Lukashenko.
Lukashenko ayaa horay u sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadli doonaan arrinta madaxa Wagner.