Belarus ayaa ciidamo dheeraad ah gaynaysa xadka ay la wadaagto Ukraine, wakaaladda wararka ee dalkaasi Belta, ayaa ka soo xigatay madaxweyne Alexander Lukashenko.
“Kuwaasi si wanaagsan ayaa loo tababaray kooxo degdeg ah oo diyaar u ah inay joojiyaan wax kasta oo daandaansi ah iyo tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah Belarus ayay ka falcelin doonaan,” ayuu yiri Lukashenko