Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko ayaa ku taliyey heshiis iyo wada hadallo nabadeed oo dhex mara dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Khudbad qaran oo uu jeediyay ayuu ku sheegay inay qasab tahay in hadda la joojiyo duullaanka militari ee ka socdo gudaha Ukraine inta aynan xaaladda faraha ka sii bixin.
Lukashenko ayaa xusay in caalamka uu ku soo wajahaan yahay dagaalkii 3-aad ee adduunka.
Waxaa uu intaasi ku daray in taageerada reer galbeedka ay siinayaan Ukraine ay sare u sii qaadaysa suurtagalnimada ah in loo gudbo dagaal la isku adeegsanaya hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha Belarus ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan arrimaha la kala tabanaya lagu xallin karo miiska wada hadalka iyadoo aan wax shuruud ah la isku xirin.